4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Faahfaahinta: Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday hotel Hayaat

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Haramcad ayaa ku guulaystay soo badbaadinta dad shacab ah oo ku go'doonsanaa hotelka la wareeray ee Hayaat.

Saddex dagaalame oo ah kooxdii gudaha u gashay hotelka Hayaat, ayaa weli hotelka ka dhex dagaalamaya, waxayna ciidamadu ku guulaysteen inay hotelka gudaha u galaan.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa kamid ah saddex carruur ah oo hooyadood ay weyday markii ay dhacday jugtii ugu horraysay ee weerarka. Hooyada ayaa kamid ahayd dad markiiba hotelka lagasoo badbaadiyay.

Weli faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee weerarka lama hayo, waxaase jira warar sheegaya in saraakiil katirsan NISA ay ku dhaawacmeen mid kamid ah qaraxyada hotel bannaankiisa ka dhacay.

War aan si dhab ah weli loo hubin waxay sheegayaan in dadka dhaawacmay uu ku jiro taliyaha NISA gobolka Banaadir, Muxidiin Warbac.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan iyagoo sheegay inay beegsadaan masuuliyiin iyo saraakiil ciiddan oo ku caweynayay hotel Hayaat. Waxay sheegeen inay  dagaalamayaashooda gudaha u galeen oo toogasho ka wadaan hotelka.