5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Daadadka ka dhacay bariga Afrika oo saameyn ku yeeshay 6 milyan oo ruux
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Tirada dadka ay saameeyeen daadadka ka dhacay waddamada bariga Afrika ayaa kor u kacay shantii sano ee ugu dembeysay, sida ay sheegtay Qaramada midoobe.

Ku dhowaad lix milyan oo ruux ayey sanadkaan sameeyeen,  halka hal milyan iyo bar oo dadkaas kamid ah ay guryahooda ka barakaceen.

Qeybo kamid ah Gobolka waxaa ka da'ay roobab aad u culus.

Sanadkii 2019-dii, waxaa jiray, kala duwanaashiyo weyn oo dhinaca heer kulka ah bariga iyo galbeedka Gobolka,  taasina waxaa loo maleynayaa iney sabab u tahay roobabka culus ee da'ay

Xogta uu soo aruuriyay xafiiska xiriiriya gargaarka ee Qaramada midoobe ayaa lagusoo lifaaqay sawirro walaac muujinaya,  oo ka turjimaya xaaladaha qaar ee ka dhashay daadadka.

Tirada dadka ay saameeyeen daadadka bariga Afrika sanadkii 2016-dii ayaa gaaraya 1.1 milyan oo ruux, hase-ahaatee tirada ayaa kor usii socotay waxayna gaartay 4 milyan sanadkii 2019,  halka sanadkaanna ay ku dhowdahay 6 milyan.

Daadadka ayaa waxay saameeyeen waddamada Suudaan,  Ethiopia, Jabuuti,  Uganda,  Tanzania,  Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya,  waxayna dad badan u noqdeen dhibanayaal galay xaalad adag.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]