5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhoweeyay furitaanka xafiiska keydinta Xogta eedeesanayaasha
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka keydka Xarunta CID-da Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiimad weyn u leedahay Xafiiskiisa diiwaan galinta, faraha, indhaha iyo wajiga dadka eedaysanayaasha ka ah Maxkamadaha iyo Garsoorka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Booliska gaar ahaan Hoggaanka baarista oo xog sax ah usoo gudbiya in ay xafiiska xeer-ilaalinta ka caawinayso in cadaymo sax ah Maxkamadda ay ku horgeyso eedeysanaha, taasoo kor u qaadaysa Cadaaladda Dalka.

"Muhiimad weyn ayay u leedahay xafiiskayga diiwaan galinta, faraha, indhaha iyo wajiga dadka eedaysanayaasha ka ah Maxkamadaha iyo Garsoorka Soomaaliya.Booliska iyo Hoggaanka baarista in xog sax ah nooga timaado, waxay xafiiska xeer-ilaalinta ka caawinaysa in cadaymo sax ah Maxkamadda ay ku horgeyso eedeysanaha, taaso kor u qaadaysa Cadaaladda Dalka". Ayuu Xeer-ilaaliye sulayman.  

Sidoo kale, Xeer-ilaaiye Sulaymaan ayaa sheegay in Xal waara laga gaaro caqabadaha haysta hogaanka baartista oo uu sheegay inay ka mid tahay dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna tilmaamay in Amniga iyo Cadaaladu ay yihiin labo arimood oo Xiriirsan loona baahan-yahay in si wada jir looga wadda shaqeeyo.

Ugu Danaybtii, furitaanka iyo dib u habaynta Xarunta Keyd-ka Xogta CID-da ee Soomaaliya ayaa ku so beegmaysa iyadoo bilihii ugu danbeeyay ay kor u kacayeen kiisaska Danbiyadda fudud iyo kuwa Culus ee Soomaaliya ay ku soo badanayeen,  kuwaaso Xafiiska Xeer-ilaalinta uu maxkamadaha dalka uu horgeeyay Qaar ka mid ah dad ku eedesan arrimahaas. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]