5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Maxkamad ku taalla Nairobi oo go'aan ka gaareysa dad lala xiriirinayo weerarkii Westgate
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa u fadhiisaneysa xukunka seddex rag ah oo eedeysanayaal ah oo loo haaysto iney taageero siiyeen raggii weeraray dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013-dii.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhimatay weerarka ka dhacay dhismahaas, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka lagu qaaday Westgate. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen dhismaha gudahiisa,  walow Al-shabaab taasi horay u beeniyeen.

In ka badan 140 marqaatiyaal ayaa eedeysanayaasha ku marag furay kiiskaan lala xiriirinayo,  hase-ahaatee, iyagu wey diideen iney wax dembi ah galeen amma ay xiriir toos ah iyo mid dadban la sameeyeen Al-shabaab iyo kooxaha weerarka qaaday.

Kenya ayaa weli ku jirta xaalad feejignaan ah,  iyagoo ka cabsi qaba iney dhacaan weerarro argagaxiso, halka ciidamada KDF-ta dalkaas ay ka howl-galayaan gudaha Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]