5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Shir looga hadlayo amniga doorashooyinka dalka oo Xalane ka socda
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  gaar ahaa Xalane ka soconaya shir looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas'uuliyiin ka socda beesha caalamka,  sida uu baahiyay raadiyaha Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Wax-yaabaha sida gaarka ah loogu lafa-gurayo ayaa waxaa kamid ah arrimaha sugidda amniga goobaha doorashooyinka iyo sidii ciidamada Soomaaliya ay dowrkaas u qaadan lahaayeen.

Soomaaliya ayaa hadda u jiheysatay dhabbihii doorashada,  sida uu ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda dhexe iyo maamullada Faderaalka ah ee qeybta ka ah ayaa ku heshiiyay dhowaan in Soomaaliya ay gasho doorasho dadban.

Abdiaziz  Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]