5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Ciidanka NISA oo Kismaayo kusoo bandhigay saddex dhalinyaro oo katirsan Al-shabaab
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland gacanta ku dhigay saddex dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah kawaday magaalada Kismaayo.

NISA waxay sheegtay inay raggan ka dambeeyeen falal amni darro oo ka dhacay gudaha magaalada iyagaoo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka sida uu sheegay taliska.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Warkan.

Mid kamid ah Saddexda dhalinyarada oo kasoo muuqday warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo oo dhawaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland shaafi raabi kaahin, ayaa waxaa socday baaritaan ku aadan soo qabashada dadkii falkaas ka dambeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]