4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Xisbiyada mucaaradka Italy oo dhaleeceeyay lacago madax furasho ah oo dowladda Talyaanigu siisay Al-shabaab
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay siisay inta u dhexeysa 1.5 milyan iyo 4 milyan oo Yuuro kooxda al-Shabaab, lacagtaas oo lagusii daayay Silvia Romano oo Alshabaab afduub u haysteen muddo 18 bilood ah.

Ms Romano oo qaadatay diinta Islaamka ayaa la kulantay hanjabaadyo qaawan iyo hadalo nacayb ah. Guriga qoyskeeda oo kuyaala magaalada Milano, ayaa la geeyay ciidamo bilays ah si u ilaaliyaan amaankeeda.

af-hayeenka al-Shabaab, ayaa u sheegay wargeyska Talyaaniga ee La Repubblica, “Waxaan samaynay wax kasta oo looga dhigayo iyada inaan la dhibaatayn, maxaa yeelay waxay ahayd la hayste aan maxbuus dagaal ahayn "

Ms Romano ayaa u sheegtay baarayaasha inay iyadu dooratay Diinta Islaamka ayna ahayd doorasho xor ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaleeceeyay Dowladda Talyaaniga inay arigixisada gacanta u galisay guul fudud., sida uu yidhi, Matteo Salvini , hogaamiyaha xisbiga midig

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Giorgia Meloni ayaa yidhi “waa qaab ay ku shaqeyaan argagixisada islaamiga in ay afduubaan dumarka da'da yar isla markaana ay u badalaan si ay u abuuraan muuqaalka in Islaamku guuleystey”.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]