5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Jubbaland iyo Hirshabelle oo magacaabay xubnaha u matalaya guddiga farsamo ee doorashooyinka
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa Magacaabay Xubnaha Ku Matalaya Guddiga Farsamada ee Doorashooyinka Dalka.

Dhismaha guddigaan ayaa qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in hannaanka doorashada lagu heshiiyo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u magacaabay labada xubnood ee maamulkiisa u matalaya guddigan, Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isna xubnahan u magacaabay, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle iyo  Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka horgeeyaan shirka labaad ee la isugu imaandoono Magaalada Dhuusamareeb muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]