5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Puntland oo magacowday xubnaha u matalaya guddiga farsamo ee loo xilsaaray kasoo talo bixinta doorashooyinka
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay labo xubnood oo Puntland u matalidoona guddiga farsamo ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Soomaaliya.

Dhismaha guddigaan ayaa qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in hannaanka doorashada lagu heshiiyo.

Madaxweyne Deni ayaa labadan xubnood u kala magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka horgeeyaan shirka labaad ee la isugu imaandoono Magaalada Dhuusamareeb muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]