5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 21, 2020
Amnesty Interantional “Barakacayaasha Soomaaliya xilligaan cidna uma maqna, ceelna uma qodna”
 

Talaado, Luulyo 21, 2020 (HOL) - Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda barakacayaasha Muqdisho, iyadoo sheegtay iney hadda wajahayaan dhowr caqabad oo is-biirsaday, saameyn adagna ku yeeshay nolosha dadka xerooyinka ku jira.

Amnesty ayaa tilmaantay in xerooyin gaaraya 700 ay ku noolyihiin barakacayaal gaaraya illaa 500,000  ( Shan boqol oo kun), kuwaas kasoo barakacay deegaanno kala duwan.

Dhibaatooyinka ay dadkaasi wajahayaan ayaa kala ah Caafimaadka, nolosha oo ku adag iyo barakicin kale oo ay kala kulmaan dadka iska leh dhulka ay deegaan ahaan kusoo barakacaan ee Muqdisho ku yaalla.

Sida ku cad Warbixinta Amnesty ay sii daaysay, waxay wareysi la yeelatay dad badan oo barakacayaal ah oo ay kamid tahay Faaduma Bashiir oo ah hooyo garoob ah oo haaysata 8 carruur ah, taas oo sheegtay in xanuunka COVID-19 u saameyeeyay shaqooyinkii xoogsiga ahaa oo ay heli jirtay.

 “ Waxaan u dhaqi jiray dharka qoysaska ladan ee Muqdisho, tan iyo intii uu billowday Corana, dadku way baqeen, waxayna diideen inaan galno guryahooda . hadda ma haaysto lacag aan raashiin iyo biyaba ku iibsado” ayeey wareysiga Amnesty la yeelatay Faaduma Bashiir ku sheegtay.

Qoysaska barakacayaasha ah ee Muqdisho ayaa marka laga yimaado dhibaatooyinka dhinaca nolosha ah waxaa u sii dheer caqabado la xiriira barakicin kale oo ay la kulmaan, taas oo la xiriirta in dadka iska leh boosaska ay degaan ay mar kale dib ugasii barakiciyaan, sida Warka Amnesty lagu qeexay.

Dhinaca caafimaadka ayaa ah caqabad kale oo hortaalla barakacayaasha Muqdisho ku nool, iyadoo ay yartahay haweenka ku umula Cisbitaallada, sababo la xiriira goobaha caafimaadka oo ka fog iyo  qaar ay ka xermeen xarumihii bukaan socod eegtada ahaa ee ku yaallay xerooyinkaasi.

Colaadaha ka jira Soomaaliya iyo saameynta ka dhalatay isbedalka cimilada ayaa sababay in qoysas badan oo ku nool dalka ay ku biireen xerooyinka barakacayaasha .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]