5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
6 qof oo Muqdisho ugu geeriyootay cudurka Coronavirus iyo 49 kiis oo soo kordhay
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - 6 qof ayaa maanta kaliya Muqdisho ugu geeeriyootay cudurka Coronavirus, waana tiradii ugu badnayd ee hal mar cudurka u geeriyoota tan iyo markii uu dalka ku faafay.

Waxaa kale oo la diiwaan gaaliyay 49 xaaladdood oo cusub, taasoo tirada guud ee kiisaska cudurka ka dhigaysa 286 kiis.

Shalay iyo maanta, in ka badan 120 kiis ayaa la diiwaan galiyay, waxaana kororka nuucaan ah uu muujinayaa in cudurku xargaha soo goostay isagoo ka faa’idaysanaya unuglaanshaha bulshada.

Sidoo kale, dhimashada cudurka ayaa hadda umuuqata mid sameynaysa koror degdeg ah marka loo eego lixda qof oo maanta hal mar u geeriyootay, waxaana tirada guud ee dhimashadu maraysaa 14 qof.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la balaarinayo isbitaalada loogu talo galay bukaanada Covid19, maadaama cudurku aad u faafayo.

Qeyb kamid ah Isbitaalka Banaadir ayaa loo asteeyay in lagula tacaalayo bukaanada Covid19.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online