5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Puntland: Bukaan ku jiray isbitaalka karantiilka oo geeriyooday

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Guddiga xakamaynta faafitaanka cudurka Coronavirus ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarunta karantiilka uu geeriyooday, xilli aysan weli soo bixin natiijada baaritaankii laga qaaday maalmo kahor.

Waa qofkii labaad oo hab nuucaas ah u geeriyooday, bishii lasoo dhaafay qof laga helay calamaadihii cudurka ayaa geeriyooday, inkastoo marxuumkaas aan laga qaadanin wax baaritaan ah.

Guddigu faahfaahin buuxa kama bixin qofka geeriyooday, balse dhinaca kale waxay sheegeen in 9 qof oo cusub la galiyay xarunta karantiika Garowe.

Puntland waxay baaritaanada udirtaa dalka Kenya, halkaas oo loogusoo xaqiijiyo dadka qaba cudurka iyo kuwa aanan qabin.

Dhinaca kale, Haykal Daahir Cumar oo ah bukaanka kaliya ee laga helay cudurka Covid19 gudaha Puntland , ayaa sheegay inuu xanuunka kasoo bogsanayo islamarkaana uu filayo inuu maalmaha soo socda ka caafimaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online