5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Safiirka midowga yurub ee Soomaaliya oo dowladda ugu baaqay iney u turto saxaafadda
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka safiirka midowga yurub ee Soomaaliya danjire Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso caburinta ka dhanka ah saxafiyiinta, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Waddanka.

Hadalka kasoo baxay danjiraha Midowga yurub ee Soomaaliya,  ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo dhammaaday kulan safiirrada beesha caalamka u fadhiya dalka iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhex maray Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxa uu safiirka ku yiri "Naqdinta waa qeyb kamid ah dimuquraadiyada,  jaan-gooynta xoriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan,  sidaas darteed, haddii saxafiyiinta la xaddido,  laga hor istaago xogta,  taasi maaha daw".

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Warbaahinta sida xarigga saxafiyiin dhowr ah , oo qaarkood weli ay xabsiga ku jiraan  iyo xaddiditaanka xogta sida ay horay ugu doodeen Ururada saxaafadda iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha.


Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online,  Muqdisho