5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Qalab lagu wareejiyey masuuliyiinta caafimaadka gobolka Sool


Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Hay'ada ARC International xafiiskeeda gobolka Sool ayaa maanta ku wareejiyey maamulka Wasaarada Caafimaadka qalab isla markaana loogu tala galay  in lagu baxnaaniyo xarunta dadka lagu karintiimaynyo ee magaalada Laascaanood .

Gudoomiyaha Hay'ada ARC International ee gobolka Sool Mohamed Abdillahi oo qalabkan ku wareejiyey isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay in qalabkani uu ka koban yahay Mashiinada  Oxygen ta Sariiraha waaweyn ee nooca dhamayska tiran Taangiyada Faraxalka dharka  difaaca Xanuunka COVID 19 , iyo sidoo kale  agabka Gafuur xidhka , gacmo gashiga Shaambooyinka faraxalka  iwm  

Maamulka  Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Sool oo kala wareegay ayaa uga mahad naqey Hay'ada ARC  deeqdan ku soo aadey xilligeeda , Waxaana uu sheegay in ay ka jaawaabeen codsiyadii ay u direen Hay'adaha ka howl gala gobolka , Waxaana uu ku tilmaamay deeqdani i ay tahay baahi weyn oo ku soo aadey in xilligeedii la soo gaadhsiiyey .

Qalabkan ayaa ah kii ugu badnaa ee soo gaadha magaalada Laascaanood khaasatan xarunta loo diyaariyey bukaanka COVID-19 oo aan weli lagu sheegin magaaladan laakiin cabsidiisu taagan tahay.

Seynab Cabdi Warsame