5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Mid kamid ah wasiirrada Hirshabeelle oo shaqo joojin lagu sameeyay
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu shaqo joojin ku sameeyay xubin kamid ah golahiisa wasiirrada , kadib markii lagusoo eedeeyay inuu jebiyay amar uu horay usoo saaray Madaxweynaha oo la xiriiray joojinta fiditaanka xanuunka COVID-19.

Wasiirka shaqada laga joojiyay oo ah wasiiru-dowllahii arrimaha dastuurka Hishabeelle, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Maamulkaasi Saadaq Mukhtaar Cabdulle ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb-galay munaasabad , taas oo horay looga mamnuucay Hishabeelle in lagu qabto deegaannadeeda.

Amar horay uga soo baxay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa horay loogu mamnuucay in deegaannada Hirshabeelle aan lagu qaban Karin munaasabado dadku ay isugu imaan karaan.

Dhinaca kale HOL oo isku dayday iney la xiriirto wasiirka shaqada laga fadhiisiyay Ayaan innoo suura-gelin in aan helno.

       

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho