5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2020
Digniino laga bixinayo roobab xoog leh oo la filayo iney ka da’aan dalal ku yaalla bariga Afrika
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Waaxda saadasha hawada ee Kenya ayaa waxey ka digayaan daadad xooggan oo ka dhalan doona roobab lixaad leh  oo la filayo in ay  dhowaan waddankaasi  ka da’aan kuwaas oo ay sheegeen iney ka cabsi qabaan iney geystaan saameyn xooggan oo dhinaca nolosha ah oo soo food saarta dad badan.

Roobabkaan xooggan ayaa la filayaa iney Kenya iyo qaar kamid ah Waddamada bariga Afrika ay ka bilowdaan maalinta salaasada ah .

Dhinaca Kenya waxaa aad loogu badinayaa iney ka da’i doonaan Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi iyo qeybo kamid gobollada dhinaca bariga iyo galbeedka ku yaalla.

Tobannaan ruux ayaa lagusoo warramayaa in horay galbeedka Kenyaugu dhinteen , kadib markii ay qarqiyeen daadad watay dhoobo xooggan, sida ay baahiyeen Warbaahinta waddankaasi

Sidoo kale dalka Uganda waxaa looga digay dadka iney ka fogaadaan dhulka ku dhow harada Victoria sababo la xiriira roobab xoogga oo la filayo, kuwaas oo sare u qaadi kara joogga biyaha haradaasi.

Halka Jamhuuriyadda dimuquraaddiga ah ee Congo lasoo sheegayo in kumanaan ay ka barakaceen guryahooda , tobaneeyo kalena ay ku dhinteen daadad ku dhuftay bariga dalkaasi.

Khuburada saadaashada hawada ayaa digniin siinaya waddamada ku yaalla bariga Afrika oo isbuucyada soo socda la filayo ine ka da’aan roobab xooggan.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho.