5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay ololaha buufinta Covid-19


Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray ololaha lagu buufinaayo xaafadaha magaalada Muqdisho si looga hortago cudurka faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna maamulku sheegay in ololahan uu sii socon doono.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud (Cumar Filish) ayaa ayaa xariga kajaray ololahan wuxuuna sheegay in aay muhiim tahay in laga hortago cudurkan oo kiisaskiisu aay sii badanayaan marka la’eego gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay wadaan qorshe lagu yareeynaayo faafitaanka Covid19, waxaana uu sheegay inaay isticmaaleen ant-virus ama kahortaga faayriska.

Gudoomiyaha arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay inaay buufin doonaan dhamaan xaafadaha gobolka Banaadir, waxaay sheegtay in cudurkan uu leeyahay kahortag islamarkaana aay ku dadaali doonaan in laga hortago.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoojin doono ololaha kahortaga cudurka Covid19. Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in aay qaataan talooyinka caafimaadka.

“Xiliga habiinkii ah oo bandoow uu jiro ayaan buufin doonaa magaalada oo dhan, waxaan ku buufineeynaa jeermis dilayaal, anaga iyo dowlada federaalka waxaan isla qaadanay inta laga tirtiraayo Covid19 in lasii wado buufinta iyo wacgigalinta” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Ololahan ayaa imaanaya xili magaalada muqdisho laga helay kiisas aad u badan, waana halka kaliya ee aay ka socdaan baaritaanada islamarkaana kiiskan uu aad ugu fiday.

Caronavirus ayaa dhib badan ku haaya caalamka, waxaana Soomaaliya laga dareemayaa qal-qalka ku aadan cudurka, maamulada dalka iyo dowlada federaalka ayaa wada dadaalo ku aadan kahortaga cudurkan.