5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Maamulka Hirshabelle oo dowlada iyo hay’adaha ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan kahortaga fatahaadda


Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Maamulka Hirshabelle oo kaashanaya wasaarada beeraha Hirshabelle ayaa caasimada Jowhar ka bilaabay dadaal looga hortagaayo fatahaadaha webiga Shabelle oo aad looga cabsado marka lagaaro xili roobaadka oo xiliganba curtay.

Madaxweyne kuxigeenka oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Shabellada dhexe ayaa kormeeray deegaanka Beyxaaw oo aay kasocdaan dadaalo lagu cara-buuxinaayo hareeraha webiga si aaysan biyuhu ugasoo bixin.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa maamulka gobolka Shabellada dhexe iyo wasaarada beeraha ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee aay bilaabeen wuxuna sheegay aay garab kusiinayaan howlahan islamarkaana aay diyaar u yihiin in dadka laga badbaadiyo fatahaadaha.

“Waxaan ugu baaqeeynaa hay’adaha iyo dowlada dhexe inaay wax nagala qabtaan fatahaadaha webiga Shabelle, hadda maamulka ayaa iyo shacabka ayaa howshan bilaabay waayna sii socon doontaa, waxaan u sheegeeynaa cidwalba oo wax nagala qabaneeysa inaay noo timaado, waxaan ka gaashamaneeynaa inaaysan dhicin waxii sanadkii hore nagu dhacay” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Gudoomiyaha gobolka Shabellada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in howshan looga golleyahay sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha webiga Shabelle , wuxuuna sheegay inaay sii wadi doonaan ololaha kahortaga fatahaada webiga Shabelle.

Gudoomiyaha gobolka Shabellada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay qeeybaha bulshada inaay ka qeeyb-qaataan dadaalada looga hortagaayo fatahaadaha webiga Shabelle.

Maadaama aay xiligan biloowdeen roobabka ayaa waxaa cabsi badan laga dareemayaa deegaanada ku yaala hareeraha webiga Shabeele kuwaas ka cabsi qaba inuu fatahaado geeysto.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha uu aadka u saameeyo webiga Shabeele, mana jiraan wax dadaalo ah oo looga hortagaayo fatahaada webiga Shabeele.