5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2020
Ciyaarihii sanadkan ee Somali Week Toronto oo loo baajiyay sababo la xiriira cudurka COVID-19


Af-hayeenka Ururka TODAY Baashe Cali Baashe - Toronto, Canada


Talaado Abril 21, 2020 (HOL) - Sida ay xaqiijiyeen madaxda ururka TODAY waxaa gabi ahaanba la baajiyay ciyaarihii Somali Week ee sanadka 2020, kuwaas oo sanad kasta lagu qaban jiray magaaladda Toronto ee dalka Canada sababo la xiriira cudurka COVID19 oo dhibaato ku haya dunida oo dhan.

Ururka Toronto Development Association of Youth (TODAY) oo sanad kasta ciyaarahan soo abaabula ayaa ku war galiyay dhammaan kooxihii, ciyaartooydii, wufuudii iyo taageereyaashii isku diyaarineysay ciyaarahaas oo billaaban lahaa July 9, 2020 in shirar is daba joog ah oo u socday maalmihii ugu dambeeyay kaddib ay go'aansdeen in la baajiyo ciyaarahaas gabi ahaantood.

"Waxaan rabaa inaan dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan gaarsiiyo in ciyaarihii dib u dhaceen, sababta dib loogu dhiganya waa dhibaatada Coronavius awgiis iyo dowladda oo iyadan kansashay oggolaashaha qabashada ciyaaahaas, waxaana u sheegayaa in qof kasta oo isku diyaarinayay inuu ka soo qeybgalo inaan si rasmi ah u baajinay" ayuu yiri afhayeenka Somali Week Baashe Cali Baashe.

Madaxda Ururka TODAY  (Cantar Jeenyo, Cabdullahi Yusuf iyo Muktaar Cuti) ayaa si wadajir u sheegay in uu kulankii sannadkan ee 2020 Toronto Somali Week oo baaqday sababo la xiriira COVID-19
Madaxda Ururka TODAY (Cantar Jeenyo, Cabdullahi Yusuf iyo Muktaar Cuti) ayaa si wadajir u sheegay in uu kulankii sannadkan ee 2020 Toronto Somali Week oo baaqday sababo la xiriira COVID-19


Guddoomiyaha Ururka TODAY C/llaahi Yusuf ayaa isna yiri "Cudurkan wuxuu ku faafay adduunkii oo dhan, dad badan ayaa u dhintay, waxaana la diiday in la iskugu yimaado meelaha ciyaaraha iyo riwaayadaha iyo Masaajidadii aa ku tukaneynay oo la xiray, sidaa daraadeed waxaan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed in dib loo dhigay ciyaarahaas"

Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah odayaasha ciyaaraha Toronto, horena u ahaa laaciibkii kooxda Bartoolka iyo Xulka qaranka Soomaaliya ayaa isna baaq u diray dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Soomaaliya isagoo ka codsaday in la raaco awaamiirta dowladda iyo khuburada caafimaadka, maadaama cudurkan uu yahay mid halis ah.

Ciyaarahan waxaa ka soo qeybgali lahaa kooxo ka kala imaan lahaa dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Australia iyo magaalooyinka kala duwan ee Canada waxaa sanadkii hore ku guuleystay kooxda Minnesota Tigers ee Mareykanka, waxaana yeelan lahaayeen xiiso guuni ah maadaamada ay ku beegantahay sanadguuradii 30-aad ee aas-aaska ciyaarahan.


Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
[email protected]
Minneapolis, Minnesota