5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Maraakiibta Sacuudiga oo bilaabay inay isticmaalaan marinada biyaha ee geeska Afrika
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Sacudi Arabia ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen maraakiibtooda inay isticmaalaan khad cusub oo udhaxeeya iyaga iyo dalalka Bariga Afrika, wakaalada wararka Sacuudiga (SPA) ayaa werisay.

Ku dhawaaqistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sacuudi Carabiya ay kor u qaadday maalgashiga dekeddeeda warshadaha King Fahd ee ku taal xeebta Badda Cas si ay u buuxiso baahiyaha gobolka.

Khadkan cusub ee maraakiibta ayaa gacan ka geysan doona kor u qaadista gaadiidka xeebaha ee u dhexeeya dekedaha Boqortooyada iyo dekedaha Bariga Afrika.

Sacuudigu wuxuu sheegay inuu khadkan bixin doona adeeg toos ah oo todobaadle ah oo cusub oo udhaxeeya Boqortooyada, Kenya iyo Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo 4 markab oo heeggan ah. 

Tilaabadaan ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii Sacuudiga uu xayiraada ka qaaday xoolihii uu ka dhoofsan jiray Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online