5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Baarlamanka Koofur galbeed oo muddo sanad ah xilka ugu daray Madaxweyne Lafta-gareen
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Waqtiga maamul ee Madaxawenaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen ayaa waxaa lagu kordiyay muddo sanad ah , iyadoo arrintaasi looga gol leeyahay is-waafajinta muddada xilka ee Madaxweynaha iyo kan baarlamanka Koofur galbeed oo is-weydaarsanaa .

Muddada oo horay u aheyd 4 sano, waxaa hadda ay noqoneysaa shan sano iyo dhowr bil, marka loo’eego muddo xileedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Baarlamanka Koofur galbeed waxaa soo xulo salaadiinta dhaqanka ee beelaha, kadibna waxey doortaan Madaxweynaha maamulkaasi. Laakiin waxaa Madaxweyne Lafta-gareen doortay baarlamankii hore, iyadoo mar kale dib loo soo xulay baarlamankaan, haddase waxaa muuqanaya in xildhibaannadan cusub iyo Madaxweynaha uu waqti qura xilka ka dhammaanayo.

Cabdicasiis Axmed Barrow
Hiiraan online, Muqdisho