5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Qarax qasaaro geeystay oo ka dhacay degmada Awdheegle
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabellada Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa kadhacay goob aay kusugnaayeen ciidanka dowlada iyo dadka shacab ah, waxaana kudhintay 1 qof halka 3 kalane aay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa mid aad u culus islamarkaana laga maqlaayay xaafadaha kala duwan ee degmada Awdheegle.

Ciidamo katirsan maamulka ayaa gaaray goobta qaraxu uu kadhacay, waxaana soconaya baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxa. Mana jiraan ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka.