5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Al-shabaab oo sheegay inaay madaafiic ku weerareen garoonka diyaaradaha Muqdisho
   

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa warbaahintooda ku baahisay weerar madaafiic ah oo aay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana aay sheegeen in bartilmaameedkoodu uu ahaa meelo kamid ah garoonka.

Qoraalka Al-shabaab aay baahisay waxaay ku sheegtay in madaafiicdu aay gaarayeen ilaa 10 madfac oo aay ku garaaceen garoonka Muqdisho oo kamid ah goobaha aay deganyihiin ciidanka shisheeyeā€¯ sida qoraalka lagu sheegay.

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka ayaanan soo bandhigin wax qasaara ah oo kadhashay. Balse ila xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in 3 qof aay kasoo gaareen dhaawacyo.

Lama oga goobaha lagasoo tuuray madaafiicdan, balse dadka ka agdhaw garoonka ayaa xaqiijiyay inaay maqlayeen dhawaqa culus ee madaafiicda.

Laamaha amniga dowlada Soomaaliya ilaa hada kama hadlin weerarka madaafiicda ah ee aay sheegteen Al-shabaab ee lagu qaaday garoonka magaalada Muqdisho.