5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Maamulka gobolka Shabaleda dhexe oo soo saaray amaro ku aadan Covid19
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Shabellada dhexe ayaa lagu sheegay amaro ku aadan ka hortaga xanuunka faafa ee Covid19, waxaana maamulku uu soo saaray qodobo xakameeynaya dadweeynaha.

Qoraalka oo kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Shabellada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa dadka looga digay goobaha aay isugu yimaadaan, waxaana sidoo kale dadka lagu amray inaaysan qaban karin shirarka,aroosyada iyo xafladaha kale ee aan muhiimka ahaayn.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Shabellada dhexe ayaa amray gudoomiyaasha degmooyinka Shabellada dhexe inaay hirgaliyaan amarkan sidoo kalane aay wacyigalin u sameeyaan shacabka si looga hortago cudurka Covid19.

Ugu dambeeyn gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka inaay u hogaansamaan amarka maamulka islamarkaana aay muhiim tahay inaay dadku ka foojignaadaan xanuunka Covid19 oo cabsi badan laga qabo.

Covid19 ayaa cabsi badan ku haaya shacabka Soomaaaliyeed maadaama aay sii kordhayaan kiisaska cudurka, waxaana maamulada dalka iyo dowlada federaalku aay soo rogeen amaro ku aadan ka hortaga cudurka Caronavirus.