4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2019
Dhaqaatiir ka socday dalka Sacuudiga oo gaaray Puntland

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Koox dhaqaatiir ah oo ka socotay dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Dhaqaatiirtaan oo si gaar ah uga socday urur ay ku midoobeen dhalinyarada Islaamka ee fadhigiisu yahay Sacuudiga, ayaa u tagay Puntland sidii ay howlo caafimaad oo bilaasha uga fulin lahaayeen magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso.

Masuuliyiin katirsan Puntland oo ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka caafimaadka, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi iyo wasiiru dowlaha warfaafinta iyo isgaarsiinta, Dr. Cabdulfataax Nuur Ashkir, ayaa magaalada Garowe kusoo dhoweeyay.

Dhaqaatiirta oo isla maanta usii gudbay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa halkaas ka fulindoono qalliinada casriga ee la yiraahdo Plastic Surgery, iyo daawaynta cudurada guud.

Waxaa kale oo imaatinkooda dhinac socda qalab caafimaad oo ay u wadeen isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo kasoo kabanaya dhibaatadii kasoo gaartay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay 21-kii August ee sanadkii 2016.

Wasiirku xigeenka caafimaadka Puntland, ayaa dowladda Sacuudiga uga mahad celiyay inay maalgalisay barnaamijkaan caafimaad ee Puntland laga fulinayo, isagoo ugu baaqay dadka reer Puntland inay ka faa’idaystaan dhaqaatiirta u yimid.



Hiiraan Online