4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Barlamaanka Puntland oo meel mariyay guddiga doorashada

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta meel mariyay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee nidaamka axsaabta badan.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa bishii july ee sanadkaan waxaa kala magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo guddoomiyihii hore ee barlamaanka, Cabdixakiin Dhoobo.

50 xildhibaan oo ku sugnaa hoolka barlamaanka ayaa dhamaantood u codeeyay meel marinta guddigaan curdinka ah oo laga sugayo inay Puntland gaarsiiyaan nidaamka dimuqraadiyada oo horey loogu fashilmay tiro labo jeer ah.

Puntland ayaa sheegtay in dhowaan doorashooyin qof iyo cod ah lagu tijaabindoono degmooyin kooban.

Hase ahaatee, ma jiro illaa iyo hadda hal urur siyaasadeed oo diiwaan gashan, welina guddiga doorashadu ma daahfurin furashada ururada siyaasada.

Hiiraan Online