Axad, June, 09, 2019 (HOL) –Magaalada
Beledweyne waxaa wali ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka
qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed
Hagar Daba-geed.
Wareegto ka soo baxday
madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka
guddoomiyaha gobolka loogu magacaabay Cali Maxamed Caraale.
Hasse ahaatee guddoomiyaha cusub
ayaan wali xafiiska la wareegin kaddib markii uu arintaa ka biyo diiday Yuusuf
Daba-geed oo gabi ahaanba sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.
Shir jaraa’id ayuu ka sheegay in
xil ka qaadistiisa aan loo marin dariiq sharci, isaga oo intaa ku daray in uu
is difaaci doono haddii leysku dayo in awood loo adeegsado si uu xafiiska u
banneeyo.
Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan
odayaasha dhaqan iyo saraakiisha dowladda oo la doonayo in xiisada lagu
qaboojiyo, balse waxaa muuqanaya in wali dadaalladaasi noqon kuwo miro dhala.
Yuusuf Daba-geed ayaa dhowr jeer oo
hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan waxaana xilkan markii ugu danbeysay
u magacaabay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Waare waxaana
uu xilka kala wareegay guddoomiyihii isaga ka horeeyay Cali Jeyta Cismaan oo
laftirkiisa ka biyo diiday in uu xilka wareejiyo.
“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hir-shabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu
tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama
magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in
Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha cusub ee la
magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa degan dhisme aan ka fogeyn halka xafiiska u ah
guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Yuusuf Daba-geed, waxaana xusid mudan marar badan oo sida ay arrimuhu u cakirmeen in ay soo fara-galiyeen saraakiisha
howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.
Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku
hayay arimaha maamulka dhaqaalaha gobolka Hiiraan oo guddoomiyuhu uu ku eedeeyay
madaxweynaha Hirshabeelle in uu si gaar ah ugu takri falo, laakiin waxaa
arintaa waxba kama jiraan ku tilmaamay
mas’uuliyiinta maaliyada ee heer gobolka oo sheegay in nidaamka maaliyada
gobolka uu maro dariiqii saxa ahaa islamarkaana jirin cid fara-galin ku heysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]