4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2019
Guddi ka shaqeeya qaban qaabadda munaasabadda xuska toddobaadka xoriyadda Soomaaliya oo la magacaabay

Axad, June, 09, 2019 (HOL)–  Raiisul wasaaraha  Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu u magacaabay ra'iiusl wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 7 xubnod.

Halkan ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta -Guddoomiye.

2: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda -Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga -Xubin.

3: Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga Gudaha -Xubin.

4: Khadiijo Maxamed Diiriye ,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha -Xubin.

5: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf ,wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka -Xubin.

6: Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada -Xubin.

7: Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir -Xubin

8: Bashiir Axmed Cusmaan, Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka -Xubin


Shaqada ay qabanayaan ayaa ah;

1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: In ay si siman u xiriiriyaan hay'adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: In ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6: In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]