4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2019
Wasiirka Maaliyad Somaliland oo si ku meelgaadh ah loogu dhiibay in uu sii maamulo wasaarad kale iyo buuqa ka dhashay

 

Jimco, June,07   2019  (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in si ku meel gaadh ah wasiirka Maaliyadda ugu sii dhibay wasaarada Qorsheynta qaranka oo wasiirkeedii xanuun awgi dibadda kaga maqan yahay.

Wasaarada Qorsheynta intii uu wasiirkeedii xanuunsanayey waxa ku sime ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, haseyeeshee hadda ayaa la sheegay in wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire si ku meel gaadh ah loogu sii dhiibay wasaaradda, taasina waxay dhalisay murana ka dib markii odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda wasiir ku xigeenka deegaankiisa talaabadan ku tilmaameen mid lagu yasayo,isla markaana ay ku macneeyeen in aan loo ogolayn in mudada yar ee wasiirku ka maqan yahay wasiir ka noqdaan Somaliland.

Odayaashan hadlay ayaa wasiir ku xigeenka ka dalbaday inuu is casilo mar hadii isaga shaqadii lagu aaminiyey waayey.

Hadalkii haynta ugu badan ee maalmahan waxay noqotay wasiirkaasi labada wasaaradood maamulaya iyo sababta ku xigeenkii wasaaradda loogu diiday in uu ku sime ka sii noqdo oo shaqadii wasiirka sii qabto.

Shacabka ayaa arrintan ku kala aragti duwan, halka qaar ku doodayaan inay iska caadi tahay in wasiir kale sii maamulo wasaarada mar hadii uu wasiirkii xanuunsanayo, halka qaar kale ku doodayaan in aanay jirin in wasiir kale sii maamulo wasaarada mar hadii wasiir ku xigeenkii joogo oo uu shaqadda uu sii qaban karo.

Illaa hada madaxweynaha iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheyntu Buuni kama hadal arrintan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.