Guddoomiyaha gobolka Hiiraan : Madaxweynaha Hirshabeelle qorshaha uu wax ku maamulayo waan diidnay
Jimco, June, 07, 2019 (HOL) -
Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta
shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa eedeyn kulul u
jeediyay ayaa eedeyn kulul u jeediyay
madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in
isaga iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle isku qabteen sida uu hadalka u
dhigay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka oo uu madaxweynuhu doonayo ayuu yiri
in Account isaga u gaar ah lagu shubo.
‘’Annaga iyo madaxweynaha waxaa
isku qabanay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka Hiiraan waa in Jowhar loo
gudbiyo oo Account isaga u gaar ah lagu shubo, islamarkaana uu qorto shaqaale
maaliyadadeed oo isaga u shaqeeya oo aan gobolka wax shaqo ah u qaban, waxaan u
sheegay madaxweynaha sidaa in wax soconaya aheyn, loona baahan yahay in lacagta
gobolka ka soo xaroota la og yahay halka ay marto iyo waxa bulshada laga qaaday
loogu qabayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Wuxuu sheegay in go’aankan uu
qaatay uusan aheyn sida uu hadalka u dhigay mid isaga u gaar ah, laakiin ay ku
mideysan yihiin guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka
Hiiraan.
‘’Hadalka aan maanta warbaahinta
la wadaagayo ma’aha go’aan Yuusuf
Dabageed ee waa go’aan qaateen bulshada gobolka, oo odayaal leh, aqoonyahan
leh, Ugaasyo leh oo aan Aniga wakiil uga ahay, waan diiday qorshaha uu doonayo
in uu madaxweyne Waare wax ku maamulo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha
gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba kulamo adag ay ka
jiraan magaalada Beledweyne oo u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle,
xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo maamulka gobolka Hiiraan kuwaa oo
intooda badan aan leysku afgaran.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]