4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2019
Munaasabada Aas –aaska ciidamada Qalabka sida ee Jabuuti oo lagu qabtay magaalada Beledweyne


Khamiis, June, 06, 2019 (HOL) –Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu soo maamusay 42 sano guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada qalabka sida ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeybgashay xuska Aas-aaska ciidamada Jabuuti, kuwaa oo halkaa ka jeediyay eryo isugu jiray amaan, dhiiri-galin iyo sida ay dowladda Jabuuti isku bar bartaagtay xiliyadii adkaa bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo ugu danbeyntiina u soo diray ciidamo qeyb ka noqdo soo celinta nabada.

Marka laga soo tago khubadaha waxaa sidoo kale ay ciidamadu soo bandhigeen gaado-cayaar siweyn loo jecleystay iyo sugaan siweyn u soo jiidatay ka qeybgalayaashii munaasabada xuska Aas-aaska ciidamada Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayuu saldhigooda ugu weyn yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo sidoo kale ku sugan degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]