4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Midowga Afrika oo ku baaqay kulan deg deg ah oo lagaga xaajoonayo xaaladda Suudaan

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL)- Ururka Midowga Afrika ayaa ka ku baaqay kulan deg deg ah oo lagaga xaajoonaya xaaladda sii murgeysa ee dalka Suudaan.

Kulankan lama sheegin xilliga iyo goobta lagu qabanayo, balse waxaa la caddeeyay in looga hadlayo xal u helida xaaladda ka taagan dalka Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha is-beddel doonka dalka Suudaan ayaa ku gacan saydhay in ay wada-hadallo la galaan golaha Millateriga, markii ay ka caroodeen in ka badan boqol qof oo lagu dilay Khartum, falkaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen ciidammada.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay qeyb ka mid ah shaqaalaheeda ka qaadaneyso dalka Suudaan, markii ay halkaasi ka dhaceen rabshado iyo dilal.

Sarkaal u hadashay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo, Farhan Haq, ayaa sheegtay in ay si kumeel gaar ah ugu sii howl geli doonaan Khartuum xubno muhiim u ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]