4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo amar soo saaray

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay inay dowladda mamnuucday Qashin la sheegay in lagu shubi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Warqad ka soo baxday xafiiska ra'iisul wasaare ku-xigeenka ayaa loo diray wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada,xafiisyada AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa kalo lagu caddeeyay qoraalka in uu kordhay qashinka dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,isla markaana aan la aqbaleyn laga billaabo 1-da bisha soo socota ee July in qashin lagu shubo garoonka.

Waxyaabaha laga mamnuucay in lala galo madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka mid ah, haraadiga daawooyinka, agabyada gubtay iyo qashinka burta ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]