4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Ciidamada Liyuu Booliiska oo sii daayay dad ay shalay ka afduubteen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Khamiis, June, 06, 2019 (HOL) Ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sii daayay dad maalintii shalay ay ka afduubeen deegaan lagu magacaabo Xuday -Woogle oo 35km dhinaca kaga beegan magaalada Beledweyne.

mewsinside Arrinta ayaa timid wada hadal dhaxmaray mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee   ku sugan magaalada Beledweyne.

Saraakiiaha ciidamada Itoobiya ayaa balanqaaday in ay daba-gal dheeraad ah ku sameyn doonaan waxa keenay in ciidamada ka tirsan dowlad deegaanka u soo talaabaan dhinaca gobolka Hiiraan dadna ka afduubtaan.

Afduubkan ayaa xiisad ka abuuray deegaannada dhaca xadka uu gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya, hasse ahaatee waxaa muuqata in markiiba arinta ay soo dhax-galeen saraakiisha dowladda itoobiya oo sheegay in ay daba-gal ku sameyn doonaan arintan.

Lama oga sababta ka danbeysa soo galintaanka ciidamada Liyuu Booliiska, hasse ahaatee waxaa xusid mudan in deegaannadaasi horay marar badan ugu dagaalameen maleeshiyo beelleed iska soo horjeeda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]