4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay warbixin uu qorey wargeys ka soo baxa Kenya

Khamiiis, June, 06, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid warbixin uu wargeska ka soo baxa Kenya uga hadlay deegaannadii laga sahmiyay shidaal inay dowladda Soomaaliya ku soo darsatay deegaanno ka tirsan Kenya.

Wargeyska warkan qorey ee Standard ayaa warbixintiisa ciiwaan uga dhigay 'Soomaaliya oo iibinaysa saliidda Lamu' iyadoo marka uu wargeyska sheegay inuu arkay Dukumiinti magaciisu yahay 'Offshore Somalia 2019' oo laga soo daayay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka  Soomaaliya oo muujinaya xirmooyin  saliidda Lamu ah oo qayb ka ah kuwa ay dowladda Soomaaliya usoo bandhigtay maalgashadayaasha.

Balse, wargeyska kuma uusan soo bandhigin warbixinta Dukumiintiga uu sheegay inuu arkay ee muujinaya dowladda Soomaaliya inay dhul ay leedahay Kenya ku darsatay warbixintii sahanka ee loo soo bandhigay maalgashadayaasha.

Cabdulqaadir Abiikar oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka  Soomaaliya , ayaa u sheegay Hiiraan Online inaysan waxba ka jirin warka uu baahiyay wargeyska Standard ee uu ku sheegay xirmooyin  saliidda Lamu inay dowladda Soomaaliya ku soo dartay sahankii la sameeyay.
"Waxaan caddeynaya inaysan jirin goob ka tirsan Kenya oo ay dowladda Soomaaliya ku soo dartay warbixintii la xiriirtay sahanka shidaalka."  ayuu yiri Cabdulqaadir Abiikar oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.

Abiikar , ayaa inta ku daray inuu sahanka ku ekaa xeebaha koonfurta ku yaalla illaa bartamaha oo ku eg deegaannada Galmudug, isagoo marka ka digay in bulshada lagu marin habaabiyo warbixinno sida uu sheegay 'been abuur ah'.

Sheegashada Kenya ee ku aaddan dowladda Soomaaliya inay warbixinteeda sahanka ku soo darsatay dhul ay leedahay Kenya, waxaa horey u beenisay Spectrum oo ah shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya , waxaa kalo ay marka caddeysay shirkadda inaysan wax baaritaan ah ka sameyn aagga hadda kiiskiisu yaallo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]