4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Ciidamo Liyuu Booliis ah oo dad iyo gaadiid ka kaxeystay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Khamiiis, June, 06, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya deegaanka Xuday –Woogle oo ka tirsan degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halkaa ka kaxeysteen dad iyo gaadiid la sheegay in uu badnaayeen kuwa beeraha lagu qodo [Cagaf-cagaf)

Ciidamada liyuu Booliiska ee gudaha u galay deeganka galinkii danbe ee maalintii shalay ayaa la sheegay in ay halkaa ku wateen ilaa Shan ruux iyo ku dhawaad 10 gaadiidka beeraha lagu qodo ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Deegaanka oo qiyaastii 35km dhinac Waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne ayaa dhaca xadka ay uu gobolku la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ilaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay qafaalashada ay ciidamadu kula dhaqaaqeen dadkaasi rayidka ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la xiriira tallaabada ay qaadeen ciidamada Liyuu Booliiska oo ka soo talaabay dhinaca xadka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]