4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2019
Ciidamada dowladda oo soo bandhigay sarkaal muddo 10 sano ah ka tirsanaa Al-shabaab oo ay qabteen

 

Khamiiis, June, 06, 2019 (HOL)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Jubbada hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay soo qabashada sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Jubbada hoose ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen sarkaalkan oo mudo ku dhan 10 snao ka bar bar dagaalamayay Al-shabaab.

Ibraahim Lujeende Maxamed ayaa qeyb ka ahaa weerarro dhowr ah oo ay Al-shabaab ku qadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland, iyo AMISOM, gaar ahaan weerarkii ugu danbeeeyay oo ay xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Ma jiro wali dhinacooda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab marka laga soo tago sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ay ka dagaalamaan xoogagga Al-shabaab waana deegaannada inta badan lagu soo bandhigo xubnaha ka tirsan Al-shabaab qaarkood iskood isku soo dhiiba, halka kuwa kalana lagu qabto howlgalo ay wada jir u fuliyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]