4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Marekanka oo sheegay duqeyn uu ka fuliyay Puntland inuu ku dilay dagaallamayaal ka tirsan Daacish

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Howlgalka ciidanka Marekanka ee Afrika ayaa shaaca ka qaadday inay illaa lix dagaalyahan ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn Arbacadii 4-tii bishan ka dhacday buuraha Golis ee gobolka bari oo ka tirsan dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado."  waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Jeneral West ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay.

Duqeyntan ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Golis.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]