4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Al-Shabaab oo askar Kenyan ah ku dishay Mandheera

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar habeenkii Talaadada ay dagaalyahanno al-Shabaab ah ka geysteen deegaan ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa askari ka tirsan booliska dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka,iyadoo goobjoogayaal laga soo xigtay inuu dagaal dhexmaray ciidan ka tirsan kuwa keydka ee Kenya iyo dagaallamayaasha al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ee ku xooggan koonfurka Soomaaliya ayaa weerarro ka geysta deegaanno ka tirsan gobolka xadka ku yaalla ee waqooyi bari Kenya, kooxda ayaa sidoo kale dhowaan afduubatay dhakhaatir u dhalatay dalka Cuba oo ay madax furasho ka dalbadeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]