4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Axmed Madoobe: Dastuurka uu madaxweynaha ku yimid haddii la ixtiraami waayo Soomaaliya way is garatay oo nin ka xoog badan nin kale ma jiro

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa isagoo caro muujinaya waxa uu mar kale ku celiyay in Jubbaland ay xaq u leedahay fulinta doorashadeeda, cid kusoo faragalin kartana aysan jirin.

"Waxa lagu dhaqmayo waa dastuurka ay leedahay Jubbaland, cid faragalin ku sameyn kartana ma jirto. Warqadda maalin dhaweyd uu qorayay wasiirka arrimaha gudaha waxay ahayd howshii looga baahnaa markii maamul goboleedyada la dhisayay, marka waxaa fiicnaan lahayd dhaqankaas inaad iska deysaan," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa isagoo la hadlayay madaxda dowladda federaalka wuxuu sheegay in dhammaan madaxda Soomaaliya ay ku yimaadeen dasturka, sidaas awgeedna uu dastuurka federaalka iyo kan maamul-gobolleedkaba xaq u siinayo in Jubbaland ay qabsato doorashadeeda.

"Madaxda dowladda Federaalka waxaan dhihi lahaa waddankan booguu leeyahay, walina ma bogsanin waxay u baahan yihiin in la dhayo iyo in sharci lagu dhaqo, balse laguma wada joogi karo 'anaa idhi', qaacidadii aan shalay Shabaab ku diidday ma aqbalayo in Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo, ha u hoggaansamaan sharciga ay ku joogaan, haddey u hoggaansami waayaanna qof walba irridiisa ayaa loo baneynayaa."

"Waxaan oran lahaa dowladda dhexe ha ilaaliso waxa heshiiska lagu yahay, dartuur baa lagu wada yimid, madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka, xiildhibaanada, dhammaan waxay ku imaadeen dastuur, haddii isaga la waayo Soomaaliya way is garatay oo nin ka xoog badan nin kale ma jiro." ayuu ku daray.

Axmed Madoobe oo dowlad-gobolleedka Jubbaland hoggaaminaya tan iyo markii la aasaasay ayaa mar kale doonaya inuu xilka u tartamo xilli doorashada waqtiga loo ballansanyahay ay ka dhimantahay muddo afar bilood ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]