4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Puntland oo dadaal ku bixinaysa sidii dib loogu furi lahaa isu socodka Garoowe iyo Boosaaso


Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Ku dhowaad muddo toddobaad ah oo hakad uu ku jiray isu socodka magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo magaalada Boosaaso ayaa hadda waxaa socda dadaallo lagu raadinayo sidii dib loogu furi lahaa, kaddib markii daadadkii ka dhashay roobabkii dhawaa ay waxyeelo ka soo gaartay waddada dheer ee xiriira deegaannada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ,Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)oo ay wehliyaan guddiga gurmadka fatahaadaha, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo xubno kale ayaa maanta daah furay ole’ole isku tashi ah oo dib loogu furayo isku socodka laamiga dheer ee isku xira magaalada ganacsiga ee Boosaaso iyo magaalooyin kale ee Puntland oo ay kamid tahay Garoowe.

Howshan oo si isku tashi ah lagu hirgalinayo waxaa lagu dhisayaa waddo mac-mal ah oo si kumeelgaar ah loo adeegsan doono inta biyaha ay jiifaan dhulka, sida ay sheegeen Injineerada iyo Wasiirka howlaha guud oo xusay in ilaa 24-saacaadood ay qaadan doonto.

Dhowaan ayey ahayd markii Roobab lixaad-leh oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Karkaar ay bur-buriyeen buundooyin ku yaalla laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]