4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Milatariga Suudaan oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal xilli xaaladda Khartoum ay wali kacsantahay

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Hoggaanka milatariga gacanta ku haya maamulka dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaadday inay diyaar u yihiin wada xaajood aan sharuud lagu xirin si xal loogu helo dhibaatada ka aloosan dlakaas.

Balse wali rasaas ayaa maanta laga maqlaya magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan ,kaddib laba maalmood oo ciidammada ammaanka ay dileen 60 qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha.

Isbitaalada magaalada Khartoum ayaa sheegay inay la xarbinayaan inay la tacaalaan tirada dadka dhaawaca ah kaddib markii ciidammada ammaanka ay Isniintii billaabeen weerar ka dhan ah shacabka dibad-baxa fadhigga ah ka wadda dibedda xarunta ciidamada.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha milatariga haya talada dalka, Jeneral Abdel Fattah Burhan ayaa maanta sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal ka galo mustaqbalka dalka, maalin kadib markii uu sidaas diiday.

"Annagoo ah golaha ku meel gaarka ah ee milatariga, waxaan diyaar u nahay gacmo furanna kusoo dhaweyneynaa inaan wada xaajood galno annagoon wax shuruud ah ku xireynin, ujeeddada kaliya ee aan ka leenahayna waa danta qaranka, taasoo aan u mari karno inaan ku yagleelno maamul sharci ah oo ka turjumaya rabitaanka kacaanka Suudaan dhammaan dhinacyadiisa kala duwan", ayuu yiri Jeneral Abdel Fattah Burhan.

Milatariga ayaa cambaareyn kala kulmay caalamka, tan iyo markii ay rasaas nool nool u adeegsadeen dadka dibaxbaxaya dhigaya, kuwaas oo dalbanaya in maamulka dalkaas lagu wareejiyo rayid.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]