Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)War qoraal ah oo ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shir deg deg ah leysugu yeeray madaxda maamulada qeybta ka ah dowladda dhexe ee federaalka, kaa oo looga arisanayo xaalada guud ee dalka.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku qornaa Luuqada Englisha -ka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday, waxaana lagu
eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay burburinta nidaamka federaalka ee dalka ka jira.
Dowladda federaalka ayeey sidoo kale ku eedeysay in ay dagaal kula jirto maamulka Galmudug, islamarkaana laga jaray dhaqaalihii iyo mashaariicdii horumarineed.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in
kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay in ay il gaar ah ku heyso xaalada Soomaaliya.
Maamulka
Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan magacaabida Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo dhowaan uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Bartimhii bishii ina dhaaftay ee May ayeey aheyd markii uu fashilmay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii Garowe ka dhacay.