4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Deegaannada Galmudug oo maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga

 

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Inkastoo guud ahaan marka la eego dunida Mulimka iyo inta badan Soomaaliya maalintii shalay u aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa dhinaca kale qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ay maanta u tahay maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga.

Deegaanadaas ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka, Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo degmooyin kale oo ka tirsan Galmudug,balse ay gacanta ku hayaan maamulkii gobolada Dhexe ee ahlusunna oo ku biiray maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Reer Galmudug

Inta badan deegaanada ay gacanta ku hayaan maamul gobolka gobollada Dhexe ee Ahlu Sunna oo ku biiray maamulka Galmudug ayaa hal maalin ka dambeeya dunida kale ee caalamka Islaamka, waxaana Bishii soon ay bilaabeen Talaado halka dunida kale oo ay Soomaaliya ku jirto laga soomay maalin Isniin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]