Kumannaan dadweyne ah oo u damaashaad tagay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho
Talaado, June, 04, 2019 (HOL) – Iyadoo maanta
guud ahaan marka la eego dunida Muslimka siweyn loogu dabaal-degay munaasabada
Ciidul Fidriga, ayaa dhinaca kale Kumannaan ka mid ah dadka reer Muqdisho waxaa
ay maanta u damaashaad tageen xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.
Waalidiin fara badan ayaa caruurtooda u soo
kaxeeyey inay ku ogaan salaadda ciidda kulana damaashaadaan deegaanka
daarusalaam ee magaalada Muqdisho.
Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay
farxadda maalintan Ciidda iyagoo isugu hambalyeynayey gudashada waajibaadka
rabbi ee bishii Ramadan iyo farxadda maalinka ciidda.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada
Muqdisho Eng. Abdirahman Omar Cismaan Yarisow, Taliyaha Ciidanka Asluubta
Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidanka
Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi, Taliyaha booliska, General Bashiir Abdi
Mohamed, Taliyaha Ciidanka lugta, General Odowaa Yusuf Rage iyo Gudoomiye ku
xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullahi Maxamed
(Tuulax) ayaa ka mid ah dadka usoo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam
iyagoo waqti la qaatay dadka u soo dalxiis tagay Beerta Daaru-salaam.
Gudoomiye Eng Yarisow oo ka hadlayey
munaasadbadda ciidda ayaa ugu hambalyeeyey dadka reer Muqdisho munaasabadda
ciiddul fitriga sanadka 1440H Isagoo kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed
adkaynta mindimada iyo wadajirka.
“Maanta maalin Ciid waaye, Marka hore hambalyo
hambalyo Ciid Mubaarak, in Soomaaliya sideey ahaan jirtay kusoo noqoto Ciidul
Fitriga waxaan rabnaa in ilaahay nooga dhigo tii na mideyso na guuleyso.
''Wadankaan wuxuu u baahan yahay waa dhalinyaro,
dhalinyaro waxaa la idin karabaa doorka aad ku leedihiin wadanka inaad ka
qaadataan. Wadankaan wuxuu ubaahan yahay horumar, horumarkiisana cidda laga
rabana waa dhamaanteen. Qof walba waxaa laga rabaa inuu noqdo muwaadin, daacad
ah wadankiisa u shaqeeya umadisa u adeega”
Qaarka mid ah dadka u soo damaashaad tagay
deegaanka Daarusalaam ayaa iyana dhankooda cabiray dareenkooda farxadeed ee ku
aadan munaasabadda salaanna hawada umariyey eheladooda ku kala dhaqan daafaha
dunida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]