4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2019
Munaasabada Ciidda iyo magaalada Beledweyne


Talaado, June, 04, 2019 (HOL) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ee maanta sida weyn looga oogay munaasabada Ciidul Fidriga, iyadoo subaxnimadii hore ee saakay dadku isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalada, halkaa oo ay ku tukadeen si wada jir ah Labada Rakco ee Salaada Ciidda.

Dadka ayaa Salaada kaddib isugu hambalyeeynayay erayo ay ka mid ahaayeen [Kulu-Caam Wa Antum Bikheyr) iyo Ciid Wanaagsan iyaga oo Alle ka baryay in uu ka aqbalo Cibaadada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Gaar ahaan Carruurta ayaa la arkayay iyaga oo siweyn uga damaashaadaya dariiqyada magaalada, waxaa sidoo kale aan meesha ka marneyn ehelada is booqanaya si ay isugu marxabeeyaan farxada maalinta Ciidda.

Si la mid ah magaalada Beledweyne ayaa siweyn looga Ciiday degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]