4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2019
Wasiirka duuliska oo ka hadlay diyaarad xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Wajeer

Talaado, June, 04, 2019 (HOL)–  Wasiirka  Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Oomaar  ayaa ka hadlay diyaarad galinkii dambe ee shalay ka dhooftay Muqdisho oo xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya.

"Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay aad oga xuntahay xayiraadda musaafiriintii xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya." ayuu yiri wasiir Oomaar oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facebook.

Diyaaraddan la xanibay oo ku dhowaad boqol ruux oo rakaab ah siddey  ayaa la sheegay inay ku daahday garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay, waxaana lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay.

"Baritaan gaaban ka dib (maanta) wasaaraddu waxay tallaabo cad ka qaadi doontaa cid kasta oo keentay ama ka hor tagi weyday dhibka soo gaaray musaafiriinta." ayuu ku daray wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada.

Arrintan ayaa ku soo aaddaysa xilli dhowaan Kenya joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Muqdisho iyo Nairobi,iyadoo duulimaadka Muqdisho dib loogu baaro garoonka Wajeer inta aysan tagin magaalada Nairobi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]