4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Wasiirka caafimaadka iyo safiirka Shiinaha oo booqday Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho


Isniin, June, 03, 2019 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,  Dr Fawziya Abikar Nur ayaa wafdi ka socda Shiinaha oo uu hogaaminayo Safiirkooda u fadhiya Soomaaliya,  Dr Qin Jian kusoo dhaweeyey Isbitaal Banaadir ee Muqsisho.

Booqashadan Isbitaal Banaadir ay ku tageen wafdiga ka socda safaaradda Shiinaha ee caasimadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in loogu kurgalayay howlaha isbitaalka.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa intii lagu gudo jirey booqashada qaybaha kala duwan ee Isbitaalka waxay waraysi la yeesheen shaqaalaha Isbitaalka iyo qaar ka mid ah bukaanka Isbitaal-ka ku jira.

Isbitaal Badaanir ayaa ka mid ah 2 Isbitaal oo ay wsaaradda Caafimaadku dhawaan la wareegtay, halkaasoo ay Hooyada Dhallaanka Soomaaliyeed ka helaan adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]