4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Dowladda Saudi Arabia oo ku dhawaaqday in maalinta Barri ah tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga

 

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) – Dowladda Saudi Arabia ayaa goor hore oo caawa ku sii dhawaaday in la arkay bishii Shawaal, sidaa daraadeed maalinta berri ah oo Talaado ah taariikhdu –na ku beegan tahay 04 June tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Warkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maxkamada sare ee dalka Sacuudiga oo ku wargalisay in bisha Ramadaan ay ku dhamaaneyso 29ka oo ku beegan caawa, taa oo macnaheedu yahay in aan la buuxin doonin 30ka bisha.

Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga gudaha dalka Sacuudiga waxaa looga dabaal-dagi doonaa maalinta berri, laakiin waxaa jira dad badan oo dunida Muslimka ah oo iyagu sheegay in maalita berri ah tahay 30ka bisha Ramadaan maalinta Arbacada ah 05 bisha June tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Gudaha dalka Sacuudiga durbaba dadku waxaa ay bilaabeen in ay isku diraan fariin qoraaleed ay isugu hambalyeeynayaa munaasabada Ciidda.

Laakiin gudaha dalka Soomaaliya wali wax war ah arintan lagama soo saarin gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo laga sugayo go'aanka ugu danbeeya ee la xiriira Ciidda.

Maasjiyada qaarkood ayaa wali laga tukanayaa Salaada Taraawiixda, hasse ahaatee wax walba wey is badali karaan saacadaha soo socda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]