4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2019
Somaliland iyo Puntland oo maxaabiistii ay kala haysteen maanta isku wareejiyey


Isniin, June,03 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Militeriga Somaliland oo Puntland ka qabsatay Somaliland, halka Somaliland 14 askari ku wareejisay Puntland.

Saddexdan askari ee Puntland soo daysay waxa madaarka kaga hortagay oo soo dhoweeyey Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari ayaa sheegay inay guul tahay imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee Puntland laga hayey.

Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Somaliland iyo Maamul kooda Puntland.

Maxabiistan waxa la wareegtay hay’adda ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.